Wiil Dhalinyara Ah Oo meedkiisa Laga Helay Xeebta Kawaan Bari

274

Waxaa saaka xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan laga helay meydka Wiil dhalinyara ah, kaasoo bada ay soo tuftay.

Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Cali ayaa la waayay talaadadii oo markii cid ugu wardanbeysay ku dabaalanayay xeebta Liido, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay ehelkiisa baadi goob ugu jireen, walow meydkiisa saaka la helay.

Meydka wiilkaasi markii la arkay ayaa waxaa qaatay ehalada wiilka dhintay kaasoo qoyska uu ka soo jeeda daganaayeen xaafada Buula-xubeey ee Degmada Wadajir

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Baddu qaado ayaa inta badan waxay sababsadaan iyagoo aan aqoon fiican u lahayn badda iyo mowjadaha hiraraka Badda oo mararka qaar sidii ay ku ogaayeen wax iska badalaan taasoo keeni karta dhimashada caruur iyo dhalinyaro badan oo aqoon u lahayn ku dabaalashada Badda .