DAAWO:-Liverpool Oo iska Xaadirisay 8 Dhamaadka Champions League +SAWIRRO

713

Kooxda Inter Milan ayaa garaacday kooxda Liverpool oo joogta garoonkeeda Anfield kulan ka tirsanaa lugta 2-aad wareega 16-ka champions League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Liverpool soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu xumaa tartanka champions League kuna dhibaatootay boos walba oo garoonka ah.

Liverpool ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ahayd kooxda ku fiican dhinaca kubad haysashada iyo waliba maamulista ciyaarta laakiin Inter Milan ayaa ku dhibtay weeraro rogaal celis ah.

Xiddigaha daafaca ua ciyaara Liverpool iyo waliba Alisson ayaa ahaa kuwo khal-khalsan mar walba oo ay xiddigaha Inter Milan weerarka ku qaadaan.

Waxa bar-baro 0/0 ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ku dhibaatootay xilli ay Inter Milan soo bandhigtay qaab ciyaareed niyad dhis leh.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ciyaarta gool ka dhaliyaan laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen goolka hortiista.

Daqiiqadii 61-aad ayay liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Hal gool ku soo ceshatay.

Laakiin daqiiqadii 63-aadba Inter Milan ayaa kaadhka cas looga taagay xiddiga Alexis Sanchez kaas oo xaalka ku xumeeyay kooxdiisa oo doonaysa in ay dhaliso goolal.

Mohamed Salah ayay laba gool birtu u diiday kadib markii uu laba gool oo cadaan ah birta ku dhuftay.

Waxa sidaas dku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool iska xaadirisay wareega 8 Dhamaadka tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.