Madaxweynaha Tanzaniya oo uu kudhacay Caronavirus

960

Dalka Tanzaaniya ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga hadal hayay xaalada Madaxweynaha dalkaasi John Magufuli, oo la sheegay in uu ku dhacay cudurka Caronavirus loona qaaday isbitaal kuyaala dalka dibadiisa.

Warbaahinta dalka Tanzaaniya iyo warbaahino kale ayaa tabiyay in Madaxweyne John Magufuli, uu ku jiro xaalad adag kadib markii uu ku dhacay cudurka Caronavirus kaa oo keenay in loo qaado dalka Hindiya.

Warkan laga baahiyay xaalada Madaxweynaha dalka Tanzaaniya ayaana hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalkaasi, dadka qaar ayaana tilmaamay in xaalada Madaxweynaha meel xun gaartay ayna dowlada qarineyso xaaladiisa iyo halka uu joogo.